Xoghayaha Guud wuxuu si kulul u cambaareynayaaweerarradii khasaaraha badan dhaliyay ee maanta lagu qaaday xarumo ku yaalla gudaha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska dhibbanayaasha, wuxuuna u rajeynayaa kuwa ku dhaawacmay caafimaad degdeg ah. Wuxuu ku baaqayaa in dambiilayaasha weerarka geystay cadaaladda la horkeeno.
Xoghayaha Guud wuxuu muujinayaa in Qaramada Midoobay si buuxda u garab taagan tahay una taageereyso Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, waxayna mar kale xaqiijineysaa inay ka go’an tahay inay ku taageerto sidii nabad iyo amni loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya.
Dhanka kale Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tina Intelmann ayaa ka hadashay weerarkii qaraxyada ahaa ee xalay ka dhacay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Tina Intelmann ayaa barteeda Twitterka waxa ay ku sheegtay in Midowga Yurub uu cambaareynayo weerarkii xalay ka dhacay Beledweyne.
“Midowga Yurub waxaa uu cambaareynayaa falalka Argagixisada iyo dilalka ku saleysan siyaasadda, tacsi ku socota Ehelada Xildhibaan Aamina”ayay tiri Tina Intelmann.
In ka badan 30-ruux oo isugu jirey Xildhibaano, Hore, Siyaasiyiinta iyo askar ayaa ku dhimatay qaraxyadii xalay ka dhacay magaaladda baladweyne ee Gobolka Hiiraan.
Dad badan oo Madaxda Dowladda ay qeyb ka aheyd ayaa isku raacay in ujeedka weerarkaas uu ahaa mid lagu bartilmaamedsanayay xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo si weyn ugaga soo horjeesatay dilkii loo geystey Ikraan Tahliil Faarax.

