Ragg hubeysan ayaa weerar qorshaysan ku qaaday goordhaweyd garoonka diyaaradaha aadan Cadde oo si aad ah loo ilaaliyo amnigiisa.
Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in ragga hubeysan oo shabaab ka Tirsan ay weerarka ku bilaabeen hotel ku yaal afafka hore ee xerada xalane kaas oo ajaanibta iyo siyaasiyiinta soomaalida ku kulmaan.
Ragga hubeysan ayaa la sheegay in ay kasoo galeen dhanka Marina Gate ee dhanka Iskuul Buluusiya.
Waxaa la maqlayaa rasaas xoogan oo ka dhacaysa Gudaha Xirada Xalane Amisom ay maamusho.
Dhanka kale waxaa hakad galay dhaqdhaqaaqii iyo diyaaradihii dhamaan ka bixi lahaa Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

