Maaaladda Baladweyne ee Gobolka Hiiraan waxaa maanta ka dhacaysa doorashadda laba kursi oo kamid ah Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Labadda kursi ee loo tartamaayo ayaa kala ah HOP011 iyo HOP063 ee Golaha SHacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya.
Kuraasta HOP#063 iyo HOP#011 oo lagu waday in shalay lagu qabto doorashadooda magaalada Beledweyne ayaan qabsoomin,waxayna xubno ka mid ah guddiga doorashada Hirshabelle ay sheegeen inay u baaqatay doorashadan sababo farsamo awgeed.
Illaa 9 murashax ayaa la siiyay shahaadada musharaxnimo kursiga tirsigiisu yahay HOP#063 halka kursiga HOP#011 ay ku tartamayaan labo musharax.

