Kooxo hubeysnaa ayaa xalay Magaaladda Muqdisho ku dilay mid kamid ahaa Dhalinyaradda sida weyn loogu yaqaanay Magaaladda.
Dilkaan ayaa ka dhacay mid kamid ah Xaafadaha Degmadda Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir.
Wiilka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Eng Hanad Abdalle) oo ku magac dheeraa Abdinor Blk.
Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in raga dilka geystay ay ahaayeen kuwa Mobiladda dhaca,islamarkaana uu ka biya diiday in Mobilkiisa laga qaato,taasina ay keentay in xabado ku furaan goobtana uu ku geeriyoodo.
Ala Ha u Naxariistee Eng Hanad Abdalle ayaa kamid ahaa Shaqaalaha Bank Salam Somalil Bank.
Dilalka shacabka loo geysanayo ayaa maalmihii dambe kusoo badanayay Magaalada Muqdisho.

