Ciidamo ka tirsan kuwa Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Xalay magaaladda muqdisho ku dilay askari ka tirsanaa Ciidamadda Sida gaarka ah u Tababaran ee Haramcad.
Falkaan ayaa ka dhacay Xaafadda Suuqa xoolaha ee Degmadda Heliwaa.
Sida ay inoo xaqiiijiyeen goobjoogayaal, ciidamadda Nisa oo Howlgal waday ayaa waxa ay la kulmeen Laba askari oo ka Tirsanaa Ciidamadda Haramcad,waxaana soo kala dhexgalay khilaaf taasi oo keentay in askariga la dilo.
Askariga la dilay oo magaciisa lagu sheegay Axmed Cabdi Keydsane,waxayna Eheladiisa ay sheegeen in dhawaan uu muqdisho ku aqal galay,kana mid ahaa ciidamadda lagu aas-aasay Haramcad.
Dhanka kale Saraakiil ka tirsan laamaha amaanka ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay ciidamadii ka danbeeyay dilka, haatanna su’aalo lagu weydiinayo mid kamida saldhigyada ku yaala gobolkan Banaadir.

