Larry Andre:”Awoodda Al-shabaab Way Korortay Inta ay Socdeen Khilaafyadda”,!”!

0

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in awooda Al-shabaab ay korartay intii ay socdeen khilaafka doorashooyinka ee u dhaxeeyay Madaxda Dowladda iyo Kuwa Maamul Goboleedyadda.

Safiirka Mareykanka ee Somalia Larry Andre oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in AlShabaab oo ka faa’ideysanaya khilaafaadka siyaasadeed ee hareeyey Dowladda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in Al-shabaab ay kordhiyeen weerradda iyo qaraxyada ay la beegsanayaan meelaha Muhiimka eek u yaala Magaaladda Muqdisho.

“Al-Shabaab way ka xoog badan yihiin sidii hore, waxay lasoo baxeen dardar waxayna wadaan weeraro xoogan. Waxaan aragnay tan sannadkii la soo dhaafay in qaar badan oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ay doorteen inay siyaasadda ka hormariyaan sidii la isaga difaaci lahaa Shabaab” ayuu yiri Safiirka Mareykanka ee Somalia Larry Andre.

Dhanka kale Safiirka Mareykanka ee Somalia Larry Andre ayaa ugu baaqay Madaxda Soomaalida in ay dib usoo celiyaan qorshihii dagaalka Al-shabaab lagula jirey.

Hadalka Safiirka Mareykanka ee Somalia Larry Andre ayaa imaanaya xili ay kordheen weeraradda Al-shabaab ay fuliyaan,kuwaasi oo lagu qaadayo goobaha muhiimka ah ee Magaaladda Muqdisho.

Inta ay socdaan doorashooyinka waxaa hoos u dhacay weeraradii Al-shabaab waxayna maamuladda iyo Dowladda Dhexe ay ku mashquuleen kuraasta doorashooyinka taasi oo keentay in uu yaraado Dagaalka Al-shabaab.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here