Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya.
Qaraxa oo dhulka ku aasnaa ayaa lala eegtay kolonyo ka Tirsan ciidamadda Kenya, oo marayay deegaanka Dharqaale ee hoostaga degmada Taagaabo ee gobolka Mandheera.
Qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan ayaa lala helay gaari ciidan oo ka mid ah nooca ay Soomaalidu u taqaano Koyalka, waxaana la sheegay inuu khasaare xoogan ka dhashay.
Sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal qaraxa ayaa burburiyay gaariga,waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray askarta Kenyaatiga ah.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen 6-askari oo ka Tirsanaa Ciidamadda Booliska Kenya.
Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkan, inkastoo aysan shaacin tirada askarta ay ku dileen qaraxaasi.

