Guddiga Doorashada Galmudug ayaa shaaciyay Jadwalka qabashada Doorashada kuraasta kala ah HOP038, HOP069 iyo HOP095 oo degaan doorashadoodu tahay magaalada Gaalkacyo.
Kursiga isha lagu hayo ayaa ah Kursiga Hop069 oo afartii sano aynu soo dhaafnay uu ku fadhiyay wasiirkii Hore ee Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa,waxaana kula tartamaya Wasiir C/raxmaan Alcadaala.


