Iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamo ka Tirsan kuwa Maamulka Hir-shabeelle iyo ciidamo taabacsan Musharixiinta u taagan kuraas kamid ah golaha shacabka oo taala Magaaladda Baladweyne ayaa goordhaweyd ka dhacay Magaaladaas.
Xarunta Lama-galaay ee ku taala afafka hore ee Madaxtooyadda Maamulka Hir-shabeelle ee Magaaladda Beledweyne ayuu iska hor imaadka ka dhacay.
Inta la xaqiijiyay laba askari ayaa ku dhimatay, halka afar kale ay ku dhaawacmeen.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaaladda Baladweyne ayaa ku waramaya in xaaladda ay haatan dagan tahay.
Iska hor imaadkaan ayaa yimid kadib markii ay soo baxeyn warar ku aadan in la boobayo kuraasta taala magaaladda Baladweyne, ee laga soo doorto bariga Magaaladaas.
Sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonan karo khilaafka ayaa salka ku haya hannaanka loo marayo doorashada 11 kursi oo Madaxweynaha dhowaan fasaxay in la furo oo loo tartamo.
Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle Yuusuf Dabageed, ayaa doonaya in shaqsiyaad gaara oo ay wadato Vila Soomaaliya loo xiro doorashada, halka Madaxweyne Cali Guudlaawe uu arintaasi ka horjeedo, waana taas mida banaanka keentay khilaafka labada mas’uul.

