Kulan uu Taliyaha qaybta 21-aad ee ciidanka xoogga, Cabdicasiis Cabdulaahi cabdi “Qooje” uu maanta la qaatay saraakiisha ka tirsan qaybta ayaa looga hadlay wadashaqeynta taliska, iyo dardar gelinta qorshaha Al-shabaab looga saarayo deegannada Galmudug.
Saraakiisha qeybta 21-aad ee kulanka ka qayb galay oo taliyaha cusub ee qaybta ugu hambalyeeyey xilka, ayaa ballan qaaday in ay kala shaqeyn doonaan ka guul gaaridda dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
Saraakiisha ayaa u mahadceliayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo dhammaan cid kasta oo gacan ka geysatay isku dhafka ciidanka.
Taliyaha Guutada 15-aad, Mascuud Maxamed Warsame iyo taliyaha qaybta 21-aad ee saldhiggedu yahay magaalada Dhuusamareeb, Cabdicasiis Cabdulaahi cabdi “Qooje” oo ka war bixiyay waxyaabihii kulanka looga hadlay ayaa si wadajir ah u ballan qaaday in talisku uu ka shaqeynayo sidii bulshada ku nool Galmudug guud ahaan ay uga dul qaadi lahaayeen Al-shabaab.


