Nin hubeysnaa ayaa goordhaweyd gudaha Suuqa Siinaay ee Magaaladda Muqdisho waxa uu ku dilay Sarkaal ka tirsanaa Dowladda Hoose oo Canshuurta ka qaadi jiray Suuqaas.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal, ninka hubeysnaa ayaa dhowr xabadood ku dhuftay sarkaalka,wuxuuna ku dhintay isla goobta.
Goobjoogayaasha ayaa sidoo kale inoo sheegay in Ilaalada Sarkaalka ay dhaawaceen qofka dilka geestay waxaana hadda gacanta ku haya Ciidamada Amniga Dowladda Soomaaliya.

