Maxkamadda CQS oo Xukun Dil ah Ku Fulisay Canshuur Cusmaan iyo Maxamed Borow

0

Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xukun dil ahaa saakay ku fulisay labo xubnood oo la sheegay in ay ka Tirsanaayeen Xarakadda Al-shabaab,islamarkaana ay ka dambeeyeen dilal  iyo qaraxyo ka dhacay Magaaladda muqdisho.

Labada xubnood ee dilka lagu fuliyay ayaa kala ahaa Canshuur Cusmaan Abuukar iyo Maxamed Cali Borow Aadan.

Maxkamadda Darajadda kowaad ee Ciidamadda Qalabka Sida ayaa Xukun dil ahaa ku riday, halka maxkamadda sare ay ku raacday.

Canshuur Cusmaan Abuukar iyo Maxamed Cali Borow Aadan oo ka tirsanaa Al-shabaab,ayaa lagu helay eedaymo ay ka mid ahaayeen.

1) Dilkii Qoys Saarnaa Gaari oo ay ku jiraan Carruur kana dhacay meel u dhow Isbitaalka Ex Digfeer Ordugan.

2) Dilkii Xogahayihii Guud ee Ururka Haweenka Qaranka Canab Xaashi iyo Wiil ay dhashay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gabale.

3) Weerarkii lagu qaaday Hotel Saxafi uuna ku dhintay dad uu ka mid ahaa Cabdifataax Ilqayte oo Aabihiina ay hore ugu dileen Weerar 1 November 2015kii isla Hotelka lagu qaaday.

4) Weerarkii Tiyaatarka iyo Daljirka oo ay ku dhinteen Dad badan oo uu ka mid ahaa Wariye Cawil Daahir Salaad.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here