Ugu yaraan 20 qof ayaa dhimatay ku dhawaad 26 kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii nin hubeysan uu toogasho ka geystay magaalada El Paso ee gobolka Texas.
Greg Abbott oo ah mayor ka gobolka ayaa ku qeexay toogashada “mid kamid ah kuwii ugu dhimashada badnaa ee taariikhda soo mara gobolka Texas”
Toogashada ayaa ka dhacday meel laga dukaameysto oo u dhow xadka ay wadaagaan dalalka Mareykanka iyo Mexico.
Police- ka ayaa xiray nin 21 jir ah oo warbaahinta Mareykanka magaciisa ku sheegtay Patrick Crusius, waxaana police ku sheegeen in ninkan uu deganaa magalada Dallas oo 650 miles dhanka bari kaga beegan El Paso.
Dadka dhibanayaasha ah wali lama shaacin balse madaxweyna dalka Mexico
Manuel Lopez Obrador ayaa sheegay in 3 qof oo Mexicans lagu dilay weerarkaas.
Todobaad gudahiis waa markii labaad oo Mareykanka uu dhaco fal nuucan ah, 3 maalin kahor ayaa nin ay police ku toogteen waxa uu rasaas ku furay goob xaflad ay ka socotoy oo ku taallo gobolka California waxaana halkaasi ku dhintay seddex ruux halka tiro inta ka badana waa ay ku dhaawacmeen.







