Faah-faahin:-Qarax Ka Dhacay Magaaladda Boosaaso

0

Wararka ka imaanaya Magaaladda Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa ku waramaya in qarax miino uu goordhaweyd ka dhacay Magaaladaas.

Qaraxaan ayaa ka dhacay meel ku dhow hoteelkii hore ee loo oran jiray Ramaada ee gudaha Magaaladda Boosaaso.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay gaari uu la socday Wasiirkii hore ee Qorsheynta Puntland Shire Xaaji Faarax inkastoo aan weli la ogayn khasaaraha ka dhashay qaraxaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here