Kooxo hubeysan ayaa Xalay Nabadoon lagu magacaabi jiray Suldan Rashiid Dhurre Cumar oo caan ka ahaa deegaanada Jubbooyinka waxay dil ugu geeysteen magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah dowlad goboleedka Jubbaland,sida ay inoo xaqiijiyeeen dad goobjoogayaal ah.
Nabadoonka ayaa la sheegay in uu ku geeriyooday Isbitaalka wayn ee magaalada Kismaayo kadib markii lageeyay isaga oo dhaawac ah.
Suldaan Rashiid ayaa la sheegay in xili uu ku sugnaa bartamaha magaalada Kismaayo ay rasaas ku fureen kooxo hubeysan waxaana dhaawacyo ay ka soo gaareen rasaastaasi Suldaanka iyo sadex Qof oo kale oo xiligaasi ka ag dhawaa.
Dhinaca kale Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxame Islaam (Axmed Madoobe) oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa faysbuuga ayaa tacsi udiray Suldaan Rashiid, waxuuna laamaha ammniga ee magaalada Kismaayo ku amray inay si deg deg ah usoo qabtaan dadkii ka danbeyay falkaasi.
Sidookale Axmed Madoobe ayaa sheegay dilka Sulkaan Rashiid ay ka danbeesay Al-shabaab, waxuuna xusay in sida ugu dhaqsiyha badan loo soo qaban doono dadkii ka danbeeyay falka dilka iyo dhaawaca isugu jira ee ka dhcay magaalada Kismaayo.
Magaalada Kismaayo ayaa lagu wadaa in bishaan guaheeda ay ka dhacdo doorashada Madaxwynahaa dowlad goboleeka Jubbaland waxaana dhawaan ammaanka Kismaayo la wareegay ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska dowlad goboleedka Jubbland.

