Hirshabeele iyo Haraadigii Hogaamiye Kooxeedka

0

Hirshabeelle waa Maamul Goboleed kii shanaad ay sku guuleysatay dawladda ferederaal ka somaaliya sameyntiisa, waxaana la aas-aasay sanaddii 2016, juhdi badan ayey galisay xukuumaddii jirtay xilligaas oo ay hor koceysay wasaaradda arimaha gudaha fedaraal ka, hirshabeelle waxaa daris la ah Koonfur Galbeed, Galmudug, iyo Gobol ka Banaadir.

Dhismaha Hirshabeellle waxa ay qaadatay mudo lagu qiyaaso 2 sano oo lagu qanciyay Odayaasha, culumadda, aqoonyahanka, haween ka iyo dhalinyaradda, waxa ay dhammaan ku han-wey naayeen Hirshabeelle in ay noqn doonto goob barwaaqo ah oo horumar iyo hiigsi wanaagsan leh.

Dawlad Goboleed ka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle waxa ay ka koobantahay Gobolka Hiiraan iyo Shabeeladda Dhexe oo labadaba ah dhul baaxadoodu weyntahay, waa dhul barwaaqo ah oo ku tiirsan beeraha, xoolaha iyo kalluumeysiga sidoo kale waxaa mara wabiga ugu dheer Dalka ee shabeelle waxaanu ku teed-sanyahay badweynta Hindiya, dadka ku nool labada gobol ay Hirshabeelle ka koobantahay waxaa lagu sheegaa in ay yihiin dad jecel nabbadda iyo horumar ka oo dawlad ku nool ah laakiin ma aanay helin hogaankii ku haboonaa in uu daadihiyo oo uu gar-wadeen ka noqdo dawlad Goboleed ka Hirshabeelle.

Soomaalidu waxey tiraahdaa ‘’ haduu dab dhaxmoodo maxaa lagu dabiibaa’’ isla arinkaas ayaa heysata dawlad Goboleedkaan Soomaaliyeed waayo waxaa horumar keeda ku hor-gudban oo caqabad culus ku ah hogaan ka Maamulka oo uu ugu horeeyo Madaxweyne K/xigeenka oo aan eheyn shaqsi u qalma qabshada xilka uu haatan u hayo umadda ku nool deegaanadda Hirshabeelle.

Falalka aan habooneyn uu ku kacayo mas’uulkani ayaa noqday kuwa aanay cidna lagala gabanin tusaale sanadkaan gudihiisa waxaa Xafiiska madaxweyne K/xigeenka la xiriiray Hey’adda horumarinta TIKA ee laga leeyahay Dalka Turkiga si Gobolka Shabeeladda Dhexe looga fuliyo Mashruuc ku kacayay $5 milyan oo doolar ka mareykanka ah, taas oo looga gol-lahaa dhismaha biyo xireen muhiim u ahaa beerakeyda Hirshabeelle iyo koboca dhaqaalaha labada Gobo lee Maamulkaas ka koobanyahay laakiin nasiib darro waxaa mashruucaaas fulintiisa ka hor-yimid madaxweyne k/xigeenka isaga oo doonaya in uu dantiisa gaar ka ah ka hormariyo tan umadda, wuxuu hey’adda TIKA si aan gabasho leheyn ugu wargaliyay hadii aysan isaga siinin lacag dhan $500,000.00; ay la laabtaan mashruucaas iyadoo kama dambeyntii laga fuliyay Maamul Goboleed Soomaaliyeed ee Jubaland.

Ma qaldame waa ilaahey waxaa shalaayto taagan Xildhibaanaddii shalay  cod ka aqlabiyad leh ku doortay Madaxweyne k/xigeenka Maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guud-laawe.

1993; wuxuu ahaa ilaaladda gaarka ah ee hey’adda ICRC ee Jowhar waxaa muddo kadib laga dhigay khasnajigii hogaamiyihii ruuxiga ahaa ee Magaaladda Jowhar allaha u naxariistee Maxamed Cumar Xabeeb, xilliyadii Dalkani kujiray marxaladihii adkaa ee dagaaladda sokeeye, Guud-laawe waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay shaqsi aan arxan leheyn oo si aad u gurracan ula dhaqmi jiray masaakiinta muruqmaal ka ee reer Jowhar, sandkii 2013; waxaa loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Shabeeladda Dhexe, magacaabistiisa waxaa ka naxay  sidoo kale ay uur-kutaallo ku reebtay hooyooyinkii yaan-yadda iyo caanaha ka beec-mushtara iyo aabayaasha muruqmaal ka ah, kuwaas oo la ama-kaagay dallacsiinta dhiigmiiradka iminka haya masuuliyadda culus ee Madaxweyne k/xigeenka Hirshabeele.

Dhinaca aqoonta waligii buug ma uusan kala furin mana u kallihin iskuul, waxbarasada asaasiga ahna warkeed daa laakin waxaa u suurta-gashay in uu shahaaadada jaamacadda heer-keeda koowaad ka iibsaday mid kamid ah jaamacadaha Magaaladda Muqdisho.

xikmad ayaa oraneysa ‘’ hadaadan ku soo kordhin Karin, ha uga darin’’, Mas’uul kani waa mid aanay wax ku soo kordhinin Maamulka baaxadda weyn ee Hirshabeele ee uu maqaamka sare ka hayo waayo aqoon badan oo aanay u leheyn dhinaca Maamulka iyo boobka shicibka uu matalo ayaana noqday caqabad ku hor gudban horumarka dowladd Goboleed Soomaaliyeed ee Hirshabeelle.

Waxaa la sheegaa in uu leeyahay isbaarooyin fara bdn kuwaas oo uu geystay mooryaan qabiil oo ay isaga heyb-hoose yihiin, Mas’uul kani waa haraadigii hogaamiye Kooxeedka kaas oo aaminsan fakaraddii qadiimiga ahaa ay ku hun-goobeen hogaamiyayaashii qabiiliga ahaa ee Dalkani soo maray barigii Dagaaladda sokeeye ay Dalkeena hareeyeen, kuwaas oo galaaftay nafta iyo maalka mawaadiniin fara badan oo soomaaliyeed, muwaadiniintaas aany wax danbi ah ka galin dalkooda hooyo.

Shaqsigan haya mas’uuliyadda culeyska leh ahna mudanaha labaad  ee ugu sareeya maamulkaasi ayaa la xaqiijiyay in uusan leheyn wax khibrad shaqo ah oo uga horeeyay khasnajigii maamulka Maxamed Cumar Xabeeb ( Maxamed Dheere), markii ay Maxkamadaha Islaamiga ah la wareegeen Magaaladda Jowhar iyo guud ahaan Gobolka Shabeeladda Dhexe ayuu mudanae Guud-laawe ku laabtay shaqadiisii hore oo eheyd geel-jirannimo ama (qowsaar) hadba sida soomaalidda u garanayaan, ha ahaatee mudanaha maadaama uu yahay nin aad u nasiib badan galaan-gal bandanna ku lahaa.

Afeef:-Qoraalkaan Waxaa mas’uul ka ah shaqsiga ku saxiixan.

Maxamed Xasan Maxamed 

Maxamedxasan2055@gmail.com

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here