Dad rayid ah oo u badan haween iyo caruur ayaa maanta oo arbaco ah lagu dilay galbeedka dalka Afghanistan kadib markii uu qarax haleelay gaari bus ah oo ay ku safrayeen.
Gaariga bus ka ah ee waday rakaabka faraha badan aya ku safrayey waddada Kandahar-Heart oo kamid ah waddooyinka ugu waweyn dalka Afghanistan, waxaana ka dhashay qasaaro aad u fara badan iyadoo ugu yaraan 32 ruux ay dhinteen halka 17 kale ay dhaawacmeen sida uu sheegay afhayeen u hadlay gobolka Farah laguna magacaabo Muhibullah Muhib.
Afhayeenku waxa uu sheegay in qaraxa ay goobta ku aastay kooxda Taliban si ay ula beegsadan ciidamada dowladda Afghanistan iyo kuwa ajaaniibta ah, waxa uuna intas kusii daray in dhamaan dadka ay waxyeeladu soo gaartay ay yihiin dad rayid ah oo u badan caruur iyo haween.
Sediq Sediqqi, oo ah afhayeen u hadlay madaxtooyada Afghanistan ayaa sheegay in tirade ay sii korortay islamarkaana ay hadda sii cagacageyneyso ilaa 34 ruux oo shacab ah.
Majirto ilaa iyo hadda koox si rasmi ah u sheegay mas’uuliyadda weerarkaas.

