Hotel ka DusitD2 oo Maanta dib loo furay kadib weerar ay ku qaaday Al Shabab

0

Hotel ka dusitD2 ee magaalada Nairobi  oo bilowgii sanadkan dagaalyahano ka tirsan Al Shabab ay ku qaadeen weerar ayaa dib loo furay maanta oo arbaco ah kadib todobo bilood oo uu xirnaa hotel ka.

Weerarka lagu qaaday hotel ka ayaa dhacay 15-kii bishii January ee bilowgii sanadkan waxaana fuliyey ugu yaraan shan dagaalyahan oo ka tirsan Al Shabab kuwaas oo gudaha u galay Hotel ka kuna dilay 21 ruux oo kasoo kala jeeda dalal kala duwan.

Weerarkaas ayaa ahaa kii labaad ee ugu xoganaa oo ay Al Shabab ka fuliyaan gudaha magaalada Nairobi kadib weerar lagu qaaday suuq laga dukaameysto oo lagu magacaabo Westgate mall sanadkii 2013.

Inta badan shaqaalaha hotel ka iyo shirkadihii ajaanibta ee daganaa dhismaha Dusit D2 ayaa dib usoo laabtay si ay u bilaabaan shaqada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here