Ciidamadda Kenya oo Bishaan 52-ruux Ku Dilay Jubadda Hoose+Dhageyso

0

Ciidamadda Kenya ee qeybta ka ah Howgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa la sheegay in dad shacab ahaa ay ku laayeen Deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

Korneel aadan Rufle oo kamid ah Saraakiisha Ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in ciidamadda Kenya bishaan gudaheeda ay dileen 52-ruux oo shacab ahaa.

Waxa uu sheegay in dadka la laayay ay isugu jireen Ganacsato, iyo dad shacab ahaa,kuwaasi oo kenyaanka ay ku eedeeyeen in ay kasoo horjeedeen Maamulkooda, iyo dhul balaarsiga ay kawadaan Gobolka.

Sidoo kale waxa uu sheegay Korneel aadan Rufle in ciidamadda Kenya ay qaraxyo dhulka ay galiyeen ay ku qarxiyeen gawaari dad shacab ah ay lahaayeen,kuwaasi oo waxyeelo geystay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here