Sarkaal ka tirsanaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu dilay Magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Dilkaan ayaa ka dhacay Degmadda Hodan ee magaaladda muqdisho,waxaana loo geystay Gaashaanlle dhexe Max’med Xuseen dhaqane oo kamid ahaa saraakiisha dowladda Soomaaliya.
Dad ku sugan Degmadda Hodan ayaa inoo sheegay in rag bastooladdo ku hubeysnaa ay dileen sarkaalka,islamarkaana ay goobta ka baxsadeen.
War rasmi ah oo kasoo baxay shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarkan lagu dilay sarkaalka.

