Ugu yaraan 8-qof ayaa ku dhaawacmay rasaas ay kooxo hubeysan hubiyeen gaari ay ku safrayeen dad shacab ah oo marayey Dagmada cadale ee Gobolka shabelaha dhexe.
Gaariga la rasaaseeyey ayaa ahaa gaari rakaab siday waxa uuna kusoo jeeday magaalada Muqdisho ee caasimadda soomaaliya.
Kooxda burcadda ah ayaa gaarigaan ku furay rasaasta kadib markii uu dhaafay bar kontrol oo ay ku qaadayeen lacago laga qaado gaadiidka ku safro waddadaas.
Goob jooge lahadlay idaacadda Simba ee Magaalada muqdisho ayaa sheegay in dhaawacyada soo gaaray dadkaasi rakaabka ah uu ahaa mid fudud.
Goobjoogahan ayaa sidoo kale sheegay in dhaawacyadan loo daabulay magaalada Cadale si halkaas loogu dabiibo.

