Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah Xildhibaanadda baarlamaanka Federalka Soomaliya ayaa sharcidaro ku tilmaamay go’aanka wasaradda Arrimaha Gudaha ee ku aadan xiliga doorashadda Madaxtinimadda Puntland.
Xildhibaan Mahad Salaasd ayaa qoraal uu soo dhigey bartiisa Faceboogga kaga hadlay qoraalka wasaaradda Arrimaha Gudaha.
“Sida ku cad Qodobka 142aad Dastuurka KMG: Inta laga gaarayo iswaafajinta Dastuurka ku meel gaarka ah iyo kan dawladaha xubnaha ka ah dowlada federaalka dhamaan maamulada jira waxa ay sii haysanayaan awoodaha Dastuurkoodu siinayo.”
“Sidaas daraadeed, Wasaarada Arimaha Gudaha ee Xukuumada Federaalka door toos ah iyo mid dadban midna kuma lahan faragelinta doorashooyinka dowlad goboleedyada. War Saxaafadeedka xalay saqdii dhaxe kasoo baxayna malahan wax sal sharci ah oo la daliishado”.ayuu sii raaciyay Mahad Salaad oo laga soo doorto Galmudug.

