Maryan:-“Farmaajo Waan Ka Wayay Daryeel, Eeyo ayaa I Cuni Rabay”,+Dhageyso

0

Maryan Jaamac Xasan oo ka tirsaneyd Ciidamadda Booliska Dowladda Soomaaliya balse haatan howlgab noqotay ayaa sheegtay in wax daryeel ah ay ka weysay dowladda Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Mar ay nagu soo booqatay Xarunta Idaacadda Simba ayay sheegtay in ay Laba Alifle ka gaartay Darajadda Ciidamadda Booliska Soomaaliya,balse dhibaatooyin soo wajahay ay dalka ugu baxday.

Waxa ay sheegtay in sanadkii ugu dambeeyay muddo xileedkiisa Xasan Shikh Maxamuud uu dalka kusoo celiyay islamarkaana ay daryeel ka heshay, balse la dayacay markii Madaxweyne Farmaajo la doortay.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in ay tagtay Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya si ay ula hadasho Madaxda Dowladda,balse ay Nafteeda kala soo carartay kadib markii eeyo lagu soo diray kuwaasi oo dhaawacyo u geystay.

Ugu dambeyntii Maryan Jaamac Xasan oo ka Tirsaneyd Ciidamadda Booliska Dowladda Soomaaliya ayaa ka codsatay madaxda Dowladda Soomaaliya in ay wax u qabtaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here