Faah-faahin:-100-qof oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Bartamaha Dalka Mali

0

Ku dhawaad 100 qof ayaa lagu dilay weerar ka dhacay bartamaha dalka Mali oo ay fulisay qowmiyadda Dagon sida ay sheegeen saraakiisha dalka Mali.

Weerarka ayaa ka dhacay deegaanka Sobame Da oo u dhow magaalada Sanga ee gobolka Mopti.

Baaritaanada lagu baadi goobayo meydadka dadka dhintay ayaa wali socda, balse saraakiishu waxa ay sheegeen in hadda la helay meydadka 95 qof, meydadkaas badankood waxa ay ahaayeen kuwo la gubay.

Waxaa jiro weeraro badan oo hore uga dhacay dalka Mali bilahii lasoo dhaafay, qaar kamid ah weeraradaas qaar ayaana ahaa kuwo qowmiyadeed halka dhanka kale ay jiraan weeraro ay fuliyeen kooxaha jihadist yaasha ah.

Isku dhacyadan ay ka dhasheen dhimashada badan waxa ay dhex mareen qowmiyadaha Dagon iyo Fulani oo wada dego dalka Mali.

Weerarka oo dhacay xilli haben ah waliba saq dhexe ayaa keenay dhimashada badan, waxaana dadka dhintay ku jira carruur, haween iyo dad da’ ah.

Qowmiyadda Dagon dhaqan ahaan inta badan waa dad beeraley ah oo ku nool dalka Mali iyo qaar kamid ah dalalka Galbeedka Qaaradda Africa, halka qowmiyadda Fulani ay yihiin dad reer guuraa ah oo dega Galbeedka qaaradda Africa.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here