Ingiriiska oo Saldhig Lagu Tababaro Ciidamadda Dowladda Ka Hirgaliyay Soomaaliya

0

Dowladda Ingiriiska ayaa si rasmi ah Somalia uga daah furtay tababar ay siinayso ciidamada qaranka Somalia iyadoo dooneyso inay qeyb ka qaadato mas’uuliyadda dhanka amni ee dalka Somalia oo dhaca geeska Africa.

Safaaradda Somalia ee Britrain ayaa ku dhawaaqday in xarun cusub oo lagu caawinayo horumarinta ciidamada ammaanka Somalia laguna dhiiri gelinayo xasiloonida waqtiga dheer iyo ammaanka Somalia ay ka furaneyso gudaha Somalia.

Dowladda Ingiriiska ayaa tababarka ay siineyso ciidamada qaranka Somalia ka bilowday xero ku taallo magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Bay oo hoostaga dowladd goboleedka Koofur Galbeed.

Dowladda Somaliya waxa ay in ka badan 10 sano dagaal kula jirtaa xoogaga islamiyiinta ah ee Al Shabab oo xiriir laleh urur weynaha Al Qaacida, Al Shabab ayaa lagu eedeynayaa inay dileen tobanaan kun oo qof sido kalena ay barakiciyeen malaayiin kale.

Qalab yari iyo tababar la’aan laga dareemay ciidamada xoogga Somalia kadib beesha caalamku waxa ay u istaagtay in dowladda Somalia ay ka caawiso dagaalka ka dhanka ah Al Shabab, dalalka UK iyo Mareykanka oo uu wehliyo Midowga Africa ayaana hadda howgallo taageero lagu siinayo ciidamada Somalia ka wado gudaha Somalia.

Howlgalka Amisom oo kamid ah taagerada ay beesha caalamku siiso Somalia ayaa hadda ku jira waqtigiisii gabagabada waxaana uu qorshuhu yahay in ammaanka Somalia ciidamada qaranka Somalia.

Ka bixitaanka Amisom ee Somalia ayaa lagu wadaa inuu bilowdo bisha October ee soo aadan iyadoo sida uu qorshuhu yahay la doonayo in lagu soo afjaro bisha December sanadka soo socda ee 2020, waxaana xilligaas si buuxda amniga dalka loogu wareejinayaa ciidamada xoogga dalka Somalia.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here