Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeymo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ay ka geysteen deegaano hoostaga gobolka gedo.
Duqeytaan ay fuliyeen diyaarado laga leeyahay dalka Kenya ayaa lala eegtay ilaa sideed daagaan oo dhamaantood hoostaga dagmada ceelwaaq ee gobolka gado.
Deegaanada duqeyta ay ka dhacday ayaa waxaa kamid ah waraha kukuma,samaroole,waray iyo deegaano kale.
Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta simba ayaa sheegay in duqeymaha ay fuliyeen diyaaradaha Kenya ay ka dhalatay khasaare kale duwan ,waxa uu sheegay in duqeyta ay dhaawac ka soo gaartay wiil iyo Aabihii.
Diyaaradaha laga leeyahay dalka Kenya ayaa duqeymo ka fuliya deegaanada maamulka jubaland haba u bad naadaane gobolka gedo,waxaana dadka ku dhaqan gobolkaasi ay sheegaan in duqeymaha intooda badan ay waxyeelo kasoo gaarto dadka shacabka.

