Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya ciidanka liyuu booliska ee ka howlgala dowlo deegaanka itoobiya oo dad shacab ah ka kaxeystay xadka Gobolka Hiiraan uu la leeyahay dalka itoobiya.
Ciidanka liyuu booliska ayaa la sheegay in ay deegaanka Xudey-Woogle oo 35-km Waqooyi ka xiga magaaladda Baladweyne ay ka xeysteen 10-ruux iyo gaadiid ay la haayeen dad shacab ah.
Xildhibaan Aadan faarax kaladire oo kamid ah Xildhibanada baarlamaanka Hir-shabeele oo la hadlay warbaahinta Simba ayaa wax laga xumaado ku tilmaamey in ciidan ka Amar qaata dowlo deegaanka itoobiya ay xad gudub ka sameeyaan xuduuda hir-shabeele ay la ledahay itoobeya,waxa uu in taa ku daray in maamulka hir-shabeele ay arintaasi walaac ka muujinayaan.
Xildhibaanka oo sii hadlayay ayaa sheegay in Ciidanka Liyuu booliska ay ka xeysteen 5-gaadiid iyo dad shacab ah,waxa uu dowladaha itoobiya iyo soomaaliya ugu baaqay in dadkaasi shacabka ah si shuruud la’aan ah lagu soodaayo.
Waxaan la ogeyn sababta ka danbeysa in dad shacab ah ay ciidanka niyuu booliska ay ka wataan xadka gobolka hiiraan uu laleeyahay dalka itoobiya.

