Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay howlgal laga fuliyay Magaaladda Muqdisho kaasi oo lagu soo qabtay kooxo burcad ah iyo rag lagu tuhmaayo dilalka ka dhaca magaaladda.
Howlgalka ayaa ka dhacay Degmooyinka Hodan, Wadajir, Xamar Weyne iyo Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir,waxaana lagu soo qabtay 30-ruux oo lagu tuhmaayo dilalka Muqdisho islamarkaana Shabaab xiriir la leh.
Taliye kuxigeenka Booliska Somaliya Zakiya Xuseen Axmed oo warbaahinta kula hadashay Magaaladda Muqdisho ayaa sheegtay in howlgaladaas ay guuleysteen.
Sidoo Taliyaha ayaa ugu mahadcelisay shacabka magaaladda sida Laamaha amaanka u garab taagan yihiin,islamarkaana fariimaha ugu soo diraan numberka 991.
“Waxaa hawlgal ay sameeyeen Ciidanka Booliska lagu soo qab qabtay dhalinyaro badan oo dambiyo kala duwan loo heysto, sharciga ayaa la horgeyn doonaa dhammaan, waxaan mar walba u taaganahay inaan ka hortagno dhibaatooyinka ku wajahan shacabka”. ayay tiri Gen. Zakiya.

