Iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamo kawada Tirsan kuwa Malatariga Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay Magaaladda muqdisho.
Iska hor imaadkaan ayaa ka dhacay Xaafadda Xoosh Degmadda Dharkinley ee Gobolka Banaadir.
Dadka deegaanka ayaa idaacadda Simba u sheegay in iska hor imaadka uu ka bilowday kadib markii ciidan degan Xaafadda Xoosh oo militari ah weerar ay ku soo qaadeen ciidan kale oo gaari Cabdi bile ah watay, kadibna halkaasi labada Ciidan ay isku rasaaseeyeen.
Inta la xaqiijiyay hal askari oo Malatariga ka tirsanaa ayaa ku dhintay iska hor imaadka ka dhacay Xaafadda Xoosh.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidamada dagaalamay ay kala hoostagaan Liibaan Madaxweyne oo ahlusuna ahaa balse haatan ka tirsan Militariga Soomaaliya, iyo sarkaal magaciisa lagu soo koobay Siidii.

