Puntland oo Sheegtay in Maraakiib Laga Leeyahay Shiinaha ay Guranayaan kheyraadka Dalka

0

Dalka Somalia tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee uu madaxweynaha ka ahaa Max’ed Siyad Barre waxaa lagu arkayey maraakiib shisheeye oo si sharci darro u guranayo kheyraadka ku jira biyaha Somalia.

Maraakiibtaas shisheeye ee sida sharci darrada ah uga kallumeysto dalka Somalia ayaa xaalufin ku hayo kheyraadka ku dhex jira biyaha Somalia, waxaana ay saameen ku yeesheen ku yeesheen kallumeysatada iyo dadka somaliyeed ee noloshooda ku maareeyo kheyraadka badda.

Deegaan xeebeedka Garacad ee gobolka Mudug oo hoostaga dowlad goboleedka Puntland ayaa hadda la daalaa dhacayo xaalufinta ay kheyraadka badda ku hayaan maraakiibta shisheeyaha.

Guddoomiyaha cusub ee dhawaan deegankaasi ay u magacowday Puntland Maxamuud Maxamed C/nuur oo aan xiriir la sameynay ayaa ka war bixiyey xaaladda deegaanka Garacad waxa uuna sheegay in deegaanka hadda uu barwaaqeysan yahay islamarkaana ay ka curteen roobabka Gu’ga, maalmihii lasoo dhaafayna ay si daba joog ah uga da’ayeen.

Gudoomiyaha mar uu ka hadlayey Amniga deegaanka ayuu sheegay mid aad u wanaagsan oo la isku haleyn karo

waxa uu ka dhawaajiyey in deegaanka Garacad ay dhibaato ku hayaan maraakiib laga leeyahay dalka Shiinaha oo ogolaanshiyo ka heysto dowladda Somalia iyo dowlad goboleedka Puntland.

Waxa uu intaas raaciyey in maraakiibtan laga leeyahay Shiinaha ay maraan meelo aysan sharci aheyn inay maraakiibtu maraan xitaa haddii ay yihiin kuwo sharciyeysan, waxa uuna tilmaamay inay dhibaato ku yihiin kalluumeysata deegaanka iyo qalabka ay ku kalluumeystaan sida shabaakta iyo xirkaha lagu xiro doomaha yar yar ee kallumeysiga.

Dhawaan Dowladda Somalia ayaa sharci usiisay maraakiibta shiinaha in ay ka kalluumeystaan biyaha Somalia inkastoo tiro maraakiib ah oo cayiman ay ahaayeen maraakiibtaasi.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here