Waxa isa soo taraya khilaafka ka dhex jira wazaaradda waxbarashada Somalia iyo inta badan dowlad goboleedyada dalka, waxaana ay warbaahinta isku marinayaan hadallo kulkulul oo ay is dhaafsanayaan.
Dowlad goboleedka Puntlan ayaa si kulul uga jawaabtay hadal uu jeediyey waziirka waxbarashada Somalia Cabdullahi Goodax bare oo uu ku sheegay in uu fashilmay imtixaanka Puntland.
Puntland ayaa sheegtay in waziir Goodax uu isaga oo kaliya uu wato fashilkaas islamarkaana looga baahan yahay caddeymo.
Proffessor Cabdiraxman Cabdullahi oo kamid ah aqoonyahanada Somalida ayaa dowlad goboleedyada dalka ku eedeeyey inay siyaasadeeyeen go’aankii uu waziir Goodax toddobaadkii hore ku hakiyey imtixaankii mideysnaa ee dowladdu qaadeysay kadib markii qaar kamid imtixaanka maadooyinka lagu faafiyey baraha bulshada.
Proffessor ka ayaa hab dhaqanka dowlad goboleedyada ku tilmaamay mid uu deg deg ku jiro waxa uuna sheegay in loo baahnaa inay ka war sugaan wazaaradda.

