Wasaaradda Waxbarashadda oo Joojisay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare

0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa caawa ku dhawaaqay in Wasaaraddu ay joojisay gebi ahaanba imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare dalka oo maalmahan ay Wasaaradda ka qaadaysay ardayda dugsiyada sare ee dalka.

Wasiir Goodax oo bulshadda kala hadlayay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in wixii hada ka dambeeya la joojiyay imtixaankii socday, islamarkaana la baabi’iyay dhamaan maadooyinkii ay ardayda saddexda maalin ee la soo dhaafay galeen.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in imtixaanka dib loo bilaabi doono 27ka bishaan,islamarkaana uu socon doono muddo shan maalin ah.

Go’aankan ayaa imaanaya iyadoo muddo saddex maalmood ah uu socday imtixaanka, ayna arday ka badan 30-kun oo qof galeen maadooyin fara badan, waxaana dhacday in imtixaanka suuqa laga helay, laguna faafiyey baraha bulshada, taasoo fadeexad iyo weji gabax ku abuurtay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here