Dhamme Khaliif Nuur Shiil oo u Geeriyooday Dhaawacii Xalay Loo Geystay

0

Ala Ha u Naxariistee waxaa saakay Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ku geeriyooday Dhamme Khaliif Nuur Shiil oo Ka Tirsanaa Saraakiisha Sare ee Ururka Guulwade ee ka Howlgala Magaaladda Gaalkacyo.

Sarkaalka ayaa xalay lagu dhaawacay Magaaladda Gaalkacyo,waxaana rasaas ku furay kooxo hubeysan xili uu kasoo baxayay Masjid ku yaala Gudaha Magaaladda.

Dhaawaca Sarkaalka ayaa isla xalay la dhigay Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo balse saakay ayaa la xaqiijyay in uu u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.

Geeridda  Dhamme Khaliif Nuur Shiil waxaa ka tacsiyeeyay Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Qeybta 21-aad.

“Taliska Qaybta 21aad ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Fadhigeedu Yahay Deegaanada Galmudug , Dhamaan Saraakiisha Hoose , Dhexe iyo Sare waxa ay halkaan Dhambaal tacsi ah uga dirayaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Dhamme Khaliif Nuur Shiil oo Ka Tirsanaa Saraakiisha Sare ee Ururka Guulwade ee ka Howlgala Magaalada Gaalkacyo , Goor dhow ayow Hospitalka Gaalkacyo ugu Geeriyoodey Dhaawac xalay ay u Geysteen Koox Hubeysan xili uu ka soo Baxey Masjidka, sargaalkani wuxuu ahaa Wadani kaalin aan la hilmaami karin ku lahaa Nabadeynta iyo Xasiloonida Magaalada Gaalkacyo Walina ku Jirey Howshii Sugitaanka Amaanka iyo Midnimada Bulshada Reer Gaalkacyo”, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska Qaybta 21aad ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ma jirto cid ilaa haatan sheegatay Mas’uuliyadda dilka loo geystay Dhamme Khaliif Nuur Shiil.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here