Kooxo hubeysnaa ayaa xalay Magaaladda Muqdisho waxa ay ku dileen mid kamid ahaa Shaqaalaha Wasaaradda Amniga Xukuumada Federaalka Soomaaliya.
Dilkaan ayaa ka dhacay Degmadda Boondheere ee Gobolka Banaadir xiligii Salaadda Taraawiixda.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ayaa fuliyay dilka,waxayna ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.
Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Ala Ha U Naxariistee Cali Maxamed,wuxuuna ka Tirsanaa Shaqaalaha Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya.
Dhanka kale Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya ayaa qabtay tiro dhalinyaro ah oo lala xiriirinaayo dilka loo geystay ninka ka Tirsanaa Shaqaalaha Wasaaaradda Amniga Soomaaliya.

