Booliska oo Ka Hadlay Weerar Lagu Qaaday Hormuud, iyo Qarax Dhacay

0

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay Qarax Macmal ahaa iyo dil xalay ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaliyeed Jen. Zakiya Xuseen Axmed oo qoraal soo dhigtay barteeda bulshadda ayaa sheegtay in rag burcad ahaa oo soo gashtay dharka Ciidamadda Dowladda ay weerareen Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta hormuud ee ku taala Xaafada Sey Piano, ee Degmadda Hodan.

Waxa ay sheegtay in falkaas uu ku dhintay hal ruux,mid kalana uu ku dhaawacmay, islamarkaana gacanta lagu soo dhigay labo kamid ah ragii weerarka geystay.

“Ragg burcad ah ayaa bacdal afur weeraray Xarunta Hormuud Seybiano ee degmada Hodan. Waxeey dileen hal nin sidoo kalena dhaawaceen hal gabar shacab ah. Ciidanka boliiska waxeey ku guleysteen in ay qabtaan labo ka mid ah burcadka iyo hubkooda” ayey tiri taliye Zakiya.

Dhanka kale Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaliyeed Jen. Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in ciidamadda amniga ay gacanta kusoo dhigeen koox qarax Macmal dhigtay afafka hore ee xarunta C.I.D.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here