Xildhibaanadd Maryan Cali Abtidoon (Munashiibiyo) oo Muqdisho Ku Geeriyootay

0

Magaaladda Muqdisho waxaa ku geeriyootay Xildhibaanad Maryan Cali Abtidoon (Munashiibiyo) oo katirsaneyd Xildhibaanada Baarlamaanka dowladd goboleedka Galmudug.

Sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug Xildhibaanadda ayaa mudooyinkii dambe ku xanuunsaneyd Muqdisho,waxaana lagu daweynayay mid kamid ah Isbitaalada magaalada.

Geeridda ku timid Xildhibaanadd Maryan Cali Abtidoon  (Munashiibiyo) waxaa ka Tacsiyeeyay Madaxweyne kuxigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyo masuuliyiin kale.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here