Akhriso:-Mareykanka oo Lagu Eedeeyay Xasuuqa Shacabka Soomaaliyeed

0

18-kii bishii march ee sanadkaan Ibrahim Hirei iyo labo qof oo ay saaxiibo ahaayeen oo ku safrayay gaari kuna soo jeeday Muqdisho ayuu mareykanku la beegsaday duqeyn.

Ibrahim Hirei ayaa maalmo kusoo qaatay xaafadda muuri oo ay qoyskiisu beer kulahaayeen, balse waxaa lagu dilay isaga iyo qof oo kale duqeyn lala beegsaday gaari ay ku safrayeen, halka qofka seddexaad ee rakaabka ah uu goor dambe dhaawacyo kasoo gaaray duqeyntaas ugu geeriyooday Hospitaal.

Maalin kadib duqeyntan Mareykanku war saxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku sheegay in duqeyntan ujeedkeedu ahaa dabar goynta dagaalyahanada Al Shabab oo xiriir laleh urur weynaha Al Qaeda, waxa uuna mareykanku xusay in duqeynta uu ku dilay 3 xubin oo argagixiso ah.

Baaritaan uu sameeyey wargeyska Foreign Policy ayaa muujinaya in Ibrahim Hirei iyo labada qof ee rakaabka ahaa aysan wax xiriir ah lalaheyn kooxaha argagixisada ah islamarkaana si qalad ah loo beegsaday.

Haddii ay tani run noqoto, dhimashada seddexdaan ruux waxa ay sare u qaadeysaa tirada dadka shacabka ah ee ku naf waaya duqeymaha Mareykanku ka fuliyo Somalia oo la kordhiyey markii Donald Trump uu noqday madaxweynaha Mareykanka dabayaaqadii sanadkii 2016.

Taliska howlgalada Mareykanka ee qaaradda Africa (AFRICOM) ayaan faahfaahin badan ka bixin seddexdan ruux kadib duqeynta.

Ahmed Hassan Hirei, oo ah walaalka Ibrahim Hirei ayaa wargeyska Foreign Policy waxa uu u sheegay inuu mareykanka ka codsanayo in baaritaan dheeri ah ay ku sameeyaan duqeyntan iyo xubnaha lala beegsaday.

Ahmed Hassan Hirei, oo u shaqeeya hey’adda qaabilsan arrimaha bini’aadanimada oo ka howlgasho magaalada Muqdisho ayaa sheegay marka laga soo tago walalkiis inuu garanayo labada qof ee kale ee lagu dilay duqeynta islamarkaana ay ahaayeen daris.

Maalmo kadib hadal heynta duqeyntaan saraakiishu mareykanku waxa ay sheegeen inay heleen warbixino muujinayo in dad shacab ah ay waxyeello kasoo gaartay duqeymahooda, waxay ayna sheegeen in baaritaan dheeri ah ay ku sameeynayaan duqeytan si ay u ogaadaan xaqiiqada xogta muujineysa in dad shacab ah ay beegsadeen.

Wargeyska Foreign Policy ayaa xiriir ku aadan cabashada qoysaska ay kasoo jeedan dadka ku dhinta duqeymaha uu Somalia ka fuliyo Mareykanka la sameeyey Africom,  John Manley oo ah afhayeen u hadlay Africom ayaa sheegay in qiimeynta military-ga iyo baaritaanadu wali socdaan islamarkaana ay qaadan karto karto todobaadyo kale.

Hey’adda Amnesty International ayaa sheegtay in ugu yaraan 14 qof oo shacab ah ay ku dhinteen duqeymaha uu Mareykanku ka fuliyo Somalia tan iyo sanadkii 2017, balse Africom wax ay sheegtay in kaliya labo qof oo shacab ah ay ku dhinteen duqeen duqeymahooda Somalia.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here