Wasiiradda Amniga M/Goboleedyada oo Ku Heshiiyay Isdhaafsiga Dadka Dambiyadda Gala

0

Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland waxaa shir ku yeeshay wasiirada amniga Maamuladda xubnaha ka ah dowladda federalka ah Soomaaliya.

Shirkaan oo ay Puntland martigelisey ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirada amniga Puntland, Hirshabeelle iyo Galmudug, waxaana ka maqnaa wasiiradda amniga koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Intuu kulanka socday wasiiradda ayaa ku heshiiyay isdhaafsiga dadka dambiyada kala duwan geysta ee u baxsada maamul goboleedyada kale,wax ka qabashada tahriibka dadka oo xuddun u ah Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, iyo in la hor istaago dadka ka tahriiba Magaaladaas oo kasoo jeeda Gobolada ka baxsan Puntland.

Sidoo kale wasiirada ayaa ku heshiiyay in 3-bilood kadib ay mar kulmaan,islamarkaana kulanka uu ka dhaco xarumaha Maamul Goboleedyada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here