Maamulka Puntland ayaa ka hor yimid guddi qaabilsan kala saarista shirkadaha u tartamaya fulinta adeegyada xajka ee sannadkan oo ay dhowaan magacowday wasaaradda Awqaafta iyo Arrrimaha Diinta ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Caddaalada, arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta Puntland, Cawil Sheikh Xaamud Maxamed oo warbaahinta kula hadlay Magaaladda Garoowe ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay go’aanka Xukuumadda Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in guddiga la magacaabay aan laga tashanin Maamulka puntland,wuxuuna Xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyay in ay maroorsatay qoonadii Puntland ka heshay 1,1500 (kow iyo toban kun iyo shan boqol) oo xujeey ah, kuwaasi oo Sacuudigu u xadidday in ay Sannadkan ka soo xajiyaan gudaha Soomaaliya.
“Waxaannu dareemaynaa, in wax badan oo isdaba-maris ah ay jiraaniin, wax badan oo daacadnimaa in ay meeshii ka maqantahay, ballantu sidii ay ahayd in wasaaraddu oga soo baxdo ayaan rabnaa oo ay nagu soo wareejiso, wasaaradda Caddaalada ee Puntland ay ku soo wareejiso, si iyadu markaa arrimihii Xajka iyo Shu’uunteeda ay u qunto” ayuu yiri wasiirka.

