Madaxweynihii Hore ee Dowladda Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa wada dadaal ku aadan in la xaliyo khilaafka u dhaxeeya Golaha aqalka Sare iyo Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.
Shiikh Shariif ayaa xalay kulamo la qaatay Gudoomiyayaasha labadda aqal Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan, iyo Cabdi Xaashi C/laahi,wuxuuna kala hadlay sidii loo xalin lahaa khilaafka xiligaan jira.
“Waxaan booqasho ugu tagnay aniga iyo xildhibaanada labada gole ee barlamaanka ee ka tirsan xisbiga Himilo Qaran guddoomiyaha aqalka sare ee dalka mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ah odey Soomaaliyeed oo dalkaan waxbadan soo taray, door muuqdana kasoo qaatay dhismihii dowladnimada dalkeenna,waxaan isla soo qaadnay xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka, innaga oo isla eegnay Khilaafka labada gole iyo sida xal looga gaari karo, dhamaystirka dastuurka KMG ee dalka, doorashooyinka 2020/2021 dalka ka dhacaya iyo sidii ay u noqon lahaayeen kuwa xor ah oo xalaal ah, dhismaha xisbiyada iyo dhiiragalintooda iyo ugu dambeyntii xalinta khilaafka ka dhex taagan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka,shaki iigama jiro haddii aan wada hadalno in xal buuxa laga gaari karo oo dalkana la gaarsiin karo nabad, barwaaqo iyo isku filnaansho buuxda,sidoo kale waxaan caawa la kulmay guddoomiyaha golaha Shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan, iyada oo ay ila socdaan xildhibaanada labada gole ee barlamaanka ugu jira xisbiga Himilo Qaran,waxaan si guud uga wada hadalnay xaaladda guud ee dalka, innaga oo si gaar ah diiradda u saarnay taageerista xisbiyada iyo dhismahooda, nuuca doorasho ee dalka ka dhacaysa 2020/2021 iyo khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamulada dalka”, ayuu yiri Shiikh Shariif.
Guddoonadda Aqalka Sare iyo Golaha shacabka ayaa waxaa dhawaan soo kala dhexgalay khilaaf xoogan,waxaana Madaxweynaha Soomaaliya lagu eedeeyay in uu ku guuldareystay xalinta khilaafka xiligaan jira.







