Kooxo hubeysnaa ayaa barqanimadii maanta waxa ay qof shacab ahaa ay ku dileen Degmadda Dharkinley ee Gobolka banaadir.
Dilkaan ayaa ka dhacay Xaafada Dabaqeynka ee Degmada Dharkinley,waxaana geystay kooxo bastooladdo ku hubeysnaa.
Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa idaacadda Simba u sheegay in kooxo hubeysnaa ay rasaas la dhaceyn ninka kamid ahaa dadka deegaanka,islamarkaana ay goobta ka baxsadeen.
Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Maxamed Cali Nuur,balse lama ogaanin ilaa haatan waxa uu qaban jirey.

