Faah-faahin:-Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Muqdisho

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Miino oo barqanimadii maanta ka dhacay agagaarka Hoteelka Towfiiq.

Sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka, qaraxa oo goobta yaalay ayaa dhacay xili ay shacab iyo askar ay ku sugnaayeen goobta.

Inta la xaqiijiyay saddex ruux oo shacab ah ayaa dhaawac uu ka soo gaaray qaraxa, waxaa sidoo kale dhaawac uu soo gaaray askari boolis ah oo saarnaa mooto bajaaj oo wadada marayay.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya waxaana goobta laga qaaday dhaawacyadda dadka shacabka ah.

Ma jirto cid ilaa haatan sheegatay Mas’uuliyadda qaraxaan ka dhacay Degmadda yaaqshid.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here