Ameeriko:-“Shacabka Hanala Raadiyaan Askarigii Dilay Labadda Ruux”,+Dhageyso

0

Taliska booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya ay ku raad joogaan askarigii shalay isgoyska Holwadaag ee Magaaladda Muqdisho ku dilay Darawal Mooto bajaaj iyo abtigiisa.

Taliyaha Booliska Somaliya Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” oo xalay warbaahinta kula hadlay magaaladda muqdisho ayaa sheegay in askariga dilka geystay uu goobta ka baxsaday,islamarkaana shacabka Soomaaliyeed ay ka codsanayaan in ay la raadiyaan askariga dilka geystay.

Waxa uu sheegay in askariga dilka geystay lagu magacaabo dable Ibraahim Maxamed Cumar,islaarkaana la xiray sarkaalkii xukumayay.

Dhanka kale taliyaha ayaa sheegay in ciidamadda amaanka ay gacanta ku dhigeen qaar kamid ah dadkii banaanbaxyadda shalay ka dhigay Magaaladda Muqdisho kuwaasi oo burburiyay goobo dad shacab ah lahaayen.

Askari ka Tirsan Ciidamadda Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay Magaaladda muqdisho ku dilay Ala Ha u wada Naxariistee Maxamed Deeq C/qaadir oo ahaa Darawal Mooto bajaaj iyo Maxamed Shiikh Cali oo ahaa Abtigiisa.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here