Taliyaha Booliska Somaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko”, ayaa ka hadlay iska hor imaadyadii maalmihii dambe ka dhacayay magaaladda Muqdisho ee u dhaxeeyay Ciidamadda Booliska iyo kuwa malatariga Soomaaliya.
Taliyaha ayaa sheegay in askar iyo saraakiil ka tirsan Ciidamadda dowladda in loo xir xiray iska hor imaad Ciidanka ku dhexmaray Magaalada Muqdisho gudaheeda.
Wuxuu sheegay in Dowladda aysan aqbali karin in Magaalada gudaheeda Ciidamo ku wada dagaalamaan, waxaana uu digniin u diray masuuliyiinta illaalada ay wataan.
Hadalka Taliyaha Booliska Somaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” ayaa imaanaya xili maalmihii dambe Magaaladda Muqdisho ay ku dagaalamaan Ciidamadda malatariga iyo booliska kadib khilaaf soo kala dhexgalay

