Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax caawa laga maqlay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Qaraxaan oo jugtiisa laga maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey waxaana lagu weeraray bar kontrool oo oo laga ilaaliyo xarunta dugsiga sare ee Booliska ee Jeneraal Kaahiye oo ku yaalla degmada Xamar jajab.
Xarunta dugsiga sare ee Booliska ee Jeneraal Kaahiye ayaa waxaa haatan dagan ciidamadda loogu talagalay howlgaladda ka socda Magaaladda Muqdisho.
Khasaare u badan dhaawac ayaa la sheegay inuu ka dhashay qaraxaan,inta la xaqiijiyay waxa qaraxaan ku dhaawacantay 7-ruux oo midi haweeney tahay.
Qaraxan caawa ka dhacay muqdisho ayaa kusoo aadaya xili Ciidamadda Dowladda ay muqdisho ka wadaan Howlgalo amniga lagu xaqiijinayo.
Sidoo kale Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa shalay sheegay in Magaaladda Muqdisho uu ku jiro gaari Prado uu qarax ku xiran yahay.

