Shabaab oo Dalbaday 30 Kun oo Dollar Si Wadooyin Xiran u Furaan+Dhageyso

0

Kulan u dhaxeeyay hogaanka Xarakadda Al-shabaab iyo odoyaasha dhaqanka Maamulka  Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka dhacay deegaanka Buulo Fuulaay ee Gobolka Baay.

Kulanka ayaa looga hadlay go’doonka ay ku jiraan deegaanada Koofur Galbeed iyo sidii loo furi lahaa waddooyinka Al Shabaab ay go’doomiyeen.

Malaaq C/raxmaan oo kamid ah odayaasha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo kulanka ka qeyb qaatay ayaa sheegay in Shabaab ay dalbadeen dhaqaalo gaaraya 30 kun oo Dollar, si wadooyinka loo furo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dalabka Shabaab ay u gudbin doonaan Madaxda Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya.

Shabaab ayaa sanado ka hor go’doomiyay wadooyinka gala degmooyinka Diinsoor, Qansax dheer, Waajid iyo deegaano kale oo ka tirsan Baay iyo Bakool.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here