Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Miino oo Ciidamo ka Tirsan kuwa Midowga Afrika AMISOM caawa lagula eegtay Kontaroolka Siinka dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Jugta qaraxa ayaa laga maqlay meelo kala duwan oo kamid ah deegaanka siinka dheer,waxaana la sheegay in uu ahaa Miino dhulka lagu aasay oo lala eegtay kolonyo ka Tirsan Ciidamadda AMISOM.
Qof kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in qaraxa uu waxyeelo u geystay ciidamadda AMISOM,islamarkaana qaraxa kadib ay fureen rasaas,hakadna uu galay isku socodka dadka iyo gaadiidka.
Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxa ka dhacay deegaanka Siinka Dheer ee Duleedka Magaaladda Muqdisho.

