Nin hubeysnaa ayaa galabta askari ka Tirsanaa Ciidamadda Malatariga Dowladda Federaalka Soomaaiya oo gees hoos jiifay waxa uu ku dilay Magaaladda muqdisho.
Dilkaan ayaa ka dhacay inta u dhexeysa Ex-Control iyo Haanta-Dheer, gaar ahaan Jaamacada Gaheyr qeybteeda xigta Dayniile ee Gobolka Banaadir.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka ninka falka geystay ayaa dhow xabadood ku dhuftay askariga,waxaana dhawaqa rasaasta kusoo baxay ciidamo kale oo goobta ka ak dhawaa,waxayna gacanta ku dhigeen ninkii dilka geystay.
Meydka askariga la dilay aaya lagu wareejiyay Taliyaha Saldhigga booliska degmada.
Taliyaha Saldhigga Booliska Dayniile Xiireey Muxudiin ayaa sheegay in ninka dilka geystay iyo Meydka askariga la geeyay xarunta dambo baarista ee CID.

