Ciidamadda amaanka Dowladda Fedraalka Soomaaliya ayaa saakay xiray qaar kamid ah Wadooyinka Magaaladda Muqdisho.
Wadooyinka xiran waxaa kamid ah isgoysyadda Tarabuunka, Soobe,Banaadir, howlwadaag iyo sidoo kale wadooyin kale oo muhiim ah oo ku yaala Magaaladda muqdisho.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ayaa lagu soo daadiyay xalay waqti dambe wadooyinka saakay xiran,waxayna ka celinayaan gaadiidka dadweynaha,kaliyah waxay fasaxayaan dadka lugnaya.
Sababta loo xiray wadooyinka magaaladda muqdisho ayaa lagu sheegay xildhibaanadda baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeelanaya Xarunta golaha shacabka, iyo cabsi laga qabo qaraxyo magaaladda ka dhaca.

