Shabaab oo Sheegay in Qaraxii Maanta Ku Dileen Mas’uul Ka Tirsanaa Dowladda

0

Xarakadda Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxii Duhurnimadii maanta ka dhacay wadada Makka Al Mukarrama ee magaalada Muqdisho.

Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu qarxiyay maqaayadd lagu cunteeyo oo ku dhow Hoteelka Wehliye ee magaaladda muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa lala beegsaday goob isku imaatin ah oo ay ku sugnaayeen saraakiil iyo howlwadeenno katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Mujaahidiinta ayaa qarax ku beegsaday goob isku imaatin ah oo ay ku sugnaayeen saraakiil iyo Howlwadeenno katirsan Dowladda ugu yaraan 10 katirsan cadowgii bartilmaameedka ahaa ayaana goobta ku dhintay” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Al Shabaab waxay sheegtay in goobta weerarku ka dhacay ay ku sugnaayeen agaasimayaal wasaaradeed, Xildhibaanno hore, saraakiil katirsan sirdoonka iyo shaqaalaha wasaadaradaha dowladda kuwaas oo dhammaantood bartilmaameed ahaa.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here